Wasiirka dib u heshiisiinta dawladda KMG oo baaq u jeediyay Dhinacyada Islaamiyiinta.



Wasiirka dib u heshiisiinta Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa baaq u soo jeediyay  Dhinacyada Islaamiyiinta kaasi oo ku aadan in wada hadal ay la galaan dowladda


Xuseen Warsame Samatar oo ah Wasiirka dib u heshiisiinta dawladda KMG oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu soo jeediyay in ay haboon tahay in marxaladda dalka Soomaaliya lagu wajaho wadaxaajood maadaama mudo dheer lagu soo jiray dagaalo iyo colaado ay dhibaatada ugu badan ka soo gaartay shacabka Soomaaliyeed oo aan laga gaarin wax natiijo ah.


Wuxuu sheegay wasiirka in dadka dhimanaya, kuwa dhaawacmaya iyo kuwa barakacaya ee ku dhibaataysan dulueedyada magaalada Muqdisho ay yihiin shacab Soomaaliyeed, loona baahan yahay in dawladda KMG iyo xoogagga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda ay ka fakaraan sidii ay dadkaasi u samatabixi lahaayeen, wuxuuna intaasi ku daray inay tahay wax lala yaabo cida la doonayo in la xukumo haddii shacabka Soomaaliyeed laga dhigo kuwo dhintay, kuwo dhaawacmay iyo kuwo u barakacay dalalka deriska ah.


Wasiirka dib u heshisiinta dawladda KMG Soomaaliya wuxuu ugu baaqay dawladda KMG iyo dhinacyada Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda in ay digniin siiyaan shacabka Soomaaliyeed marka ay doonayaan in ay dagaalamaan, wuxuuna uga digay in ay ku kor dagaalamaan shacabka oo ay qasaaraha ugu badan soo gaarto, wuxuuna intaasi ku daray in duqeymaha loo gaysanayo shacabka ay yihiin arin aad u xun ayna ka digayaan in ay soo noq noqdaan.


Baaqan ka soo yeeray Wasiirka Dib u heshiisiinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhowr jeer oo hore dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku celceis in dhinacyada Islaamiyiinta ay soo fariistaan Miiska wada hadalka si loo dhameeyo dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka sii holcaya magaalad Caasimada ah ee Muqdisho.


Somalireal-Muqdisho

 


 


somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay