Dhalinyaro u dhalatay dhulka ay Soomalidu degto ee dowlada ETHIOPIA maamusho ayaa xukuumada Soomaalida ee deegaanku waxa ay ku eedeysay inay khiyaano qaran ku dhaqaaqeen.
Dhalinyaradan oo 3 ah ayaa waxa lagu kala magacaabaa SICIID CALI XASAN (SICIID FAREY), FAARAX NUUR XASAN labadan wiil waa ilmo adeer, iyo C/RAXMAAN MAXAMUUD CALI oo ah wiil ay adeer u yihiin, waxaana wiilashan lagu eedeeyey inay hub soo gelin jireen dhulka ay Soomaalidu ka degen tahay ETHIOPA.
Xukuumada ayaa dhalinyaradan u haysata khiyaano qaran, waxaana ay muteysan karaan hadii gacanta lagu dhigo dil ama xabsi daa'in, iyadoo ehelada dhalinyaradan ay Somali Real u sheegeen inayan jirin eedeynta loo jeediyey dhalinyaradan ka soo jeeda halka qoys.
Dhalinyaradan ayaan la garaneyn halka ay ku dambeeyaan, waxaase jirta cabsi ay qabaan ehelada dhalinyaradan, gaar ahaan in maamulada Somaliland iyo Puntland ay u celiyaan ETHIOPIA, hadii ay gacanta ku dhigaan, maadaama ay ka dhexeyso wada shaqeyn dhinaca amaanka ah.
Xabsiyada ETHIOPIA, ayaa waxaa ku jira dad badan oo Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood haysta dhalashada wadamada reer galbeedka, waxaana dowlada Adis ababa lagu eedeeyaa inay si weyn ugu tumato xuquuqda aadanaha, gaar ahaan marka ay timaado Maxaabiista.
Sanad ka hor ayey aheyd markii qaar ka mid ah warbaahinta wadanka ETHIOPIA ay siidaayeen hadalo hanjabaad ahaa oo mas'uuliyiin ka tirsan xukuumada deegaanka Soomaalida ay u jeediyeen dhalinyaradan, kuwaasoo lagu sheegayey in la soo qaban doono ka dibna la maxkamadeyn doono, sida ay sheegeen.
Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili dowladda ETHIOPIA ay heshiisyo la gashay qaar ka mid ah ururada ka dagaalamyey gobolka ay Soomaalidu ka degen tahay ETHIOPIA, waxaana jirta shaki dad badani ka muujinayaan sida dowladda ETHIOPIA, ay daacad uga tahay qodobada lagu heshiiyey.
Somalireal-Hargeysa

C/raxmaan Maxamuud Cali iyo Siciid Farey

Faarax Nuur Xasan
Comments to date: 2. Page 1 of 1.
cabdulkhadir saciid jaamac boston ma u.s.a. | 2:48pm on Monday, August 2nd, 2010 |
waxaa raali ka ah in la soo qabto dadka madaxda ka ah degaanka soomaalida degto waxeey leeyihii madaxweyne waxeey ka tirsanyihiin itoobiya hishiiskii ay lagaleen waa mid qarqan ahaan taasi waa ka gooni soo qabashada nimanka waxaa laga yaabaa in ay ka soo hrjeedaan hishiiska dhexmaray ayaga iyo itoobiya ee iska daaya seef la boodka marka hore sifiican u aqri ka dibna ka jawaab markaad fahantid sidaa iyo nabad gelyo. | |
cabdulqadir norway | 6:27am on Sunday, August 1st, 2010 |
walalaha somaliyeed waxan kaarsoonayn xasuqa etiopia ay ugaysanayso dadka somaliyeed waxa usheegayah kuwa hisiiska lagalay malin kahor inaytahay waxkamashiran maxa yeelay watas lagadhigay dhalinyaradi udhalatay wadankas wan teed marka waxaleehay wadku fashilanteen wanad kufududateen arintas ee kalaabta oo ogadaben onlf arimaha wadankas | |