Madaxweyne Shariif oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho eedeeyayna xarakada Shabaabul Mujaahidiin



Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, eedeyna u jeediyey xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Madaxweynaha oo markii uu soo gaaray aqalka Madaxtooyada warfidiyeenada kula hadlay ayaa sheegay in xarakada Shabaab ay dhibaato badan ka wado wadanka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in Shabaab ay Soomaaliya wakiil uga yihiin ururka Al-Qaacida, sida uu sheegay.


Madaxweyne Shariif oo ka sheekeeyey xaalada uu haatan ku sugan yahay wadanka Soomaaliya, ayaa sheegey in dad badan oo dambiyo ka soo galay caalamka ay ku sugan yihiin wadanka, waa sida uu Madaxweynuhu hadalka u dhigaye.


Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in uu dhamaaday dulqaadkii dowladiisa, wixii hada ka dambeeyana hay'adaha dowladda iyo beesha caalamka ay iska kaashan doonaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa amaanka wadanka Soomaaliya, sida uu sheegay.


Madaxweyne Shariif ayaa magaalada Kampala waxa uu uga soo qeyb galay kulankii Madaxda afrika, waxaana kulankaasoo lagu ogolaaday in ciidamo dheeri ah loogu soo diro wadanka Soomaaliya.


Somalireal-Muqdisho


somalireal@hotmail.com


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay