Kooxo hubeysan oo maanta dil iyo dhac ka geystay shirkada xawaalada ee Qaran ee magaalada Gaalkacyo.


Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay saaka weerar ku qaadeen dhacna ka geysteen xarunta Shirkada Xawaalada Qaran Express qaybteeda Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo dilay mid ka mid ah ilaaladii Shirkada.

 


Kooxdaan hubaysan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 6  ayaa waxaa ay ku hubaysanaayeen Bistoolado waxaana ay dil iyo dhaawac u geysteen laba ka mid ah shaqaalaha Shirkada Xawaalada ee Qaran Express.

Ninka ay dileen kooxdaan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Jaamac Dheere,wuxuuna 'ahaa madaxii xawaalada qaran qeybteeda Gaalkacyo, waxaa kooxda falkaan geystay baxsadeen, iyadoo ciidanka amaanka magaalada Gaalkacyo uu wado baaritaan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ogyihiin kooxda falka dhaca ah u geystay Xawaalada Qaran Express ciidankuna ay wadaan baaritaan, isla markaasna ay wax ka qabanayaan.


Falkan burcadnimada ah ayaa waxaa walaac xoog leh ka muujiyey dadweynaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo maamulka gobolka looga fadhiyo wax ka qabashada falalka amaan xumida ah ee ka jira gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.


Somalireal-Boosaaso


somalireal@hotmail.com


 

Comments to date: 1. Page 1 of 1.

cabdulkhadir saciid jaamac   boston ma u.s.a

2:23pm on Monday, August 2nd, 2010

waxaan jeclaan lahaa in gaalkacyo laga dhiga magaalo kala qaybsan oo ay kala degan yihiin dadka aduunka isugu nacab isku afna ah iyo isku diin ah laakiin ku dagaalama magacyo dad horey u dhintay oo aan la aqoon waxeey yihiin laakiinse waxeey ku kala duwan yihiin waa caqliga kuwo dagaalka fahmaya dhibaatadiisa iyo kuwa ka soo horjeeda oo aan jacleyn jiritaankooda aana fahansaneen dagaalka dhibaatadiisa waxaan derbi ahayn in laga dhax dhiso magaalada gaalkacyo ma ahee si kale oo suurto geleysa majirto waxaan puntland kula talin lahaa in ay gataan guryaha xuduuda la leh koonfurta gaalkacyo burburiya guryahaas kuna bedela derbi weyn oo leh dhowr albaab laga soo galo sii loo yareeyo dadka jecel dilka iyo deris xumada sidaa iyo nabad gelyo.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay