Diyaarad nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan wadanka Afqanistaan ayay soo rideen xooggagga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda qabsashada reer galbeebka.
Xarakada Daalibaan ayaa maanta sheegtay in dagaal yahannadeedu ay dhulka soo dhigeen Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo ay lahaayeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afgaanistaan waxaana diyaaradaas ku dhintay 10 askari oo Maraykan ah,sida lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay Xarakada Daalibaan.
Dhacdadaan ayaa dhacday waxyar ka dib markii ay diyaarad Haylakobtar ah oo Maraykanku leeyahay ayna dusheeda saarnaayeen ciidanka wadankaas lagu soo riday mandaqada dhinaca Bari ee wadanka Afgaanistaan.
Tirada dhimashada ciidamada kusugan wadankaasi ayaa aad u sii kordhaysay bilihii ugu danbeeyey iyadoo dagaalada iyo qaraxyada lagu bartilmaameeedasanayo ciidamada huwanta ah ee ku sugan wadankaas ay heerkii ugu saraysay maray.
Wadanka Afgaanistan ayaa waxaa ku sugan ciidamo kor u dhafaya 100.000 oo Askari oo uu Maraykanku horkacayo, kuwaasoo sida muuqata ku guuldaraystay u jeedadii ay u yimadeen wadanka Afgaanistan,iyadoo xoogaga islaamiyiinta ahi ee ka dagaalama wadankaasi ay haatan kacanta ku hayaan inta badan wadanka Afgaanistan.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.