Ururka Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey waxaa soo food saartay xaalad aad u cakiran.
Xisbul Islaam oo markii hore ka koobnaa 4 urur oo kala ahaa Jabhaddii Islaamiga aheyd, ciidankii Maxaakiimta garabkii Asmara, Mucarkarkii Kambooni iyo Mucaskarkii Caanoole, ayaa iyadoo ayan weli si fiican u shaqo bilaabin waxaa bilowday dagaalkii Muqdisho ka qarxay bartamihii sanadkii hore, kaasoo sida Somalireal ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ururka aan markii hore leysku raacsaneyn.
Waxaa intaas u dheeraa Xisbiga iyadoo ayan meel cad wax isla dhiganin xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo iyadu ah xarako aad u abaabulan, taasoo ay iska kaashanayeen dagaalka ay kula jiraan dowlada KMG ah, waxaana ay arinkaan kala cadaatay markii uu khilaafku ka dhex bilowday labada urur ee bahwadaagta ku ahaa dagaalka.
Khilaafka labada dhinac ayaa wuxuu banaanka u soo baxay markii Xisbul Islaam ay gacantooda soo galeen laba sarkaal oo France u dhashay, kuwaasoo ururka kale ee Al-Shabaab ay ku adkeysteen in lagu wareejiyo mid ka mid ah saraakiisha, taasoo muran dheer ka dib Sheikh Xasan Daahir oo hogaamiya Xisbiga uu ogolaaday dalabkii Al-Shabaab, waxaana arinkaas ka carooday saraakiil sar sare oo ka tirsan Xisbiga, balse caradooda aan saxaafada u soo bandhigin, maadaama ay culeysyo ka haysteen dhinacyo kale.
Xisbiga oo ay hogaamiyaan odayaal waaweyn ayaa had iyo jeer diidanaa in khilaaf kala dhexeeya Al-Shabaab uu banaanka u soo baxo, waxaana talaabadii xigtay ay ahayd markii Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam ay shaqaale ka tirsan hay'adaha gargaarka ay keeneen Ceelasha biyaha oo ah halka ay u soo barakaceen shacabkii Muqdisho, waxaana arinkaas ka horyimid ururka Al-Shabaab, balse markii danbe xaaladu waa ay degtay, mana jirin wada hadalo laga galay arimahaas.
Iyadoo ay arimhaas oo dhan ay jiraan, isla markaasna ay wehliyaan kuwa kale oo labada dhinac dhex maray ayaa waxaa Kismaayo ka bilowday dagaalkii u dhexeeyey labada urur, waxaana xiligaas magaalada Kismaayo ku sugnaa wafdi ka socday Xisbiga oo uu hogaaminayey Sheikh Xasan Mahdi oo lagu tirin jiray ragii ugu dhawaa xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana magaalada banaanka looga saaray ciidankii Xisbul Islaam, waxaana raacay Madaxdii ka socotay Xisbiga ee Muqdisho ka yimid.
Xisbul Islaam oo sidaas u kala daadsan ayaa dhinaca kale waxaa ku socday qalqaalo ay Shabaabul Mujaahidiin ugu jirtay in xarakadeeda lagu midoobo, taasoo kooxo badan oo Xisbiga ka mid ah ay u guuxeen, iyagoo doonayey in meesha laga saaro kala duwanaashaha labada dhinac.
Dhawaanahan waxaa soconayey wadahadalo u dhexeeyey Xisbul Islaam iyo Shabaabul Mujaahidiin, kuwaasoo la doonayey in lagu mideeyo labada dhinac, waxaana soo baxay warar tibaaxaya in leysku afgaran waayey, waxaana muuqaneysa in Xisbul Islaam ayan sii jiri karin marka la 'eego xaalada hada ka jirta bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Aasaasihii Xisbiga Dr. Cumar Imaan ayaa goor hore isaga tagay Xisbiga, waxaana sidoo kale meel uu ka baxay la waayey Sheikh Muuse Cabdi Carraale oo ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa Xisbiga, walow mar lagu sheegay inuu u baxsaday wadanka Suudaan.
Ugu dambeytii ma muuqato si uu Xisbul Islaam ku sii jiri karo, waxaana dad badan ay isweydiinayaan tilaabada uu qaadi doono Sheikh Xasan Daahir, wax badan oo hada qarsoona waxaa fasiri doona waqtiga.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.