Shiikh Xasaan Xuseen Aadan oo Nayroobi ka bilaabay Muxaadaro uu uga hadlayo Mowliidka



Shiikh Xasaan Xuseen Aadan oo ka mid ah culimada Muslimiinta ee ku nool dalka Kenya ayaa xalay bilaabay Muxaadaro uu uga hadlayo waxa diinta Islaamku ka qabto u dabaal dagida dhalashada Rasuulka ( SCW ).



Shiikha oo Muxaadaradiisa ku qabtay Masaajidka Al-Hidaaya ayaa xalay ka hadlayey taariikhdii uu soo bilowday Mowliidka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in u dabaal dagida dhalashada Nabiga ay bilaabatay 362- dii, taariikhda Hijriyada, isagoo sidoo kale Shiikhu ka sheekeeyey cidii ugu horeysay oo dhalasho u dabaal degtay.



Muxaarada Shiikha oo ay dhageysanayeen dadweyne aad u fara badan ayaa aad u soo jiidatay dadkii dhageysanayey, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in culimada qabta in la dhigo Mowliidka iyo kuwa diidan ee leh waa Bidco ay isku waafaqsan yihiin in uu yahay Bidco, balse halka laysku hayo ay tahay qolana waxay leedahay waa Bidco wanaagsan, qolana waxay leedahay wax Bidco ah oo wanaagsan maba jiraan, Bidco walba waa baadi.



Shiikha ayaa hadalkiisa ku soo gababageeyey in Muslimiita looga baahan yahay inay ku dhagenaadaan Sunada Rasuulka  ( SCW) wuxuuna sheegay wax walba oo diinta lagu soo daray ay yihiin wax lagu lumayo, wuxuuna isweydiiyey Shiikhu waxa loogu dhegen yahay wax aan sal ku lahayn diinta Islaamka oo ka danbeeyey Nabi Maxamed ( SCW) wuxuuna iftiimiyey wixii xiligii Rasuulka diin ahaa inay hada diin yihiin wixii ayan sameyn saxaabada iyo salafkiina ay yihiin wax Bidca ah oo aan loo baahneyn.



Muxaadarada Shiikha ayaa sii socon doonta habeenada soo socda, waxaana idin soo gudbin doonaa hadii ilaahay yiraahdo Muxaarada Shiikha oo dhageysi ah.



Dailypuntland Station

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 4-aad: DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 3-aad: QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 2-aad: Dulaankii Abraha ku soo qaaday Kacbada.
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 1-aad Nasabkii Rasuulka.