Sidoo kale gabayaagu door fiican buu ka cayaari jiray raadinta nabada.Haddii laba qolo is dagaasho oo wax kala celiya la waayo waxaa loo yeedhi jiray nin gabayaa ah oo labada qolo dhexdhexaadin jiray oo gabay "Maslaxaad" ah u tirin jiray.Sidaas bayna ku kala joogsan jireen.Waxaa dalka Soomaliya yimid bartamihii qarniga 19aad nin Ingiriis ahaa oo la odhan jiray(Richard Burton) oo qoray buugga la yiraahdo (First steps in East Africa-Socdaalkii ugu horreeyey Afrikada bari),ninkaas waxa uu ku sheegay dadka Soomalida inay yihiin dad wada gabya, wax kastana la isu sheego gabay, iyo Suugaan. Nasiibdarro,xilligaas gabayo aad u faro badan oo la tiriyey iyo rag aad u badnaa oo gabyaa ahaa ayaa lumay ama dayacmay.waxaan sabab u ahaa arrintaas ilbaxnimada qoraalka iyo far wax lagu qoro oon midna jirin miyiga Soomaliyeed markaa waxaan isku dayeynaa in an isku dayno mardanbe in aysan Suugantu mar danbe lumin waxii aan heli karno si aan taariikh deena iyo suuganteenu u xafidan
Dailypuntland Station
Fikradaada ku darso.