Gabaygii: Jaamac Dayuurad


Abwaan Jaamac dayuurad baa markii Abaartii dhacday dabo-Dheer 1975 baa xaaskiisi ku eedaysay dhibaatada reerka soo gaadhay oo haarantay , markaas isna waa garaysan waayey waxa marwadiisu ugu cadhaysan tahay kolkaas buu gabaygan tirshay oo kaga waramayo waxyaalaha aduunka ka dhacay inay ku eedaynayso siday ugu eedaysay Abaarta markaas taagan waxuu yidhi Abwaanku
...........................................................................................
Naahooy codkaad xalay lahayd waa cilmila aanne
Cara edeg wax wada taabtay baa ka calmilaysaaye
Caleen doogle lama haysto iyo caano dhamidoode
Nin walibaCiyaalkuu dhaluu la carwa saadaaye.



Cashadaad qadaabaad i odhan cawro waa isagaŽe
Cinda laahi wax nooga yimid ha igu caafiyini.



Ma anaa cirkaan diŽilaahaa curashada udiidey 
Ma anaa dhulka cawska jaray coodka lagu foofsho
Ma anaa ariga caatada ka dhigay caano laga waayey
Cadan iyo Berbera ma anaa celiyey beecooda
Ma anaa Cadaan iyo madoow wada colaysiiyey.



Calaqaadka ma anaa ujaray dunidan ciirciirtay
Ma anaa ciriiriga ka dhigay ceeshka iyo soorta.


Ma anaa ceelashii wada qafilay ciriqa baasiinka
Ma anaa kufriga caasiga ah kaga cabaadsiiyey
Carab iyo yuhuud ma anigaa ciidamada laayey


Cali Yusuf ma anigaa qabtiyo caadilkii boqorka
Caad iyo namruud ma anigaa cayrshay labadiiba
Ma anaa dharkeenii cadaa calal guduud dhaafshay


Cadrad gabadh ah ma anaa ganbada caado uga yeelay
Ma anaa dowladeenii casilay caadi noqon wayday
Cududa iyo ma anaa Siyaad ciidanka u dhiibay
Caynaanka hay ma anigaa caalamka maqashiiyey


Ma anaa cidiinii iyo tolkaa kaa casaba gooyey
Cuno ma anigaa kaa qadshay oo ceego kugu dhuujey
Caqli naaqus ma anigaa ka dhigay adiga iyo canykaaga
Cusribaa dhacaye sow yusriga kama cad dhawrayno.


Dailypuntland Station

Comments to date: 10. Page 1 of 1.

abdihakin umal   bosaso puntland somalia

2:43am on Monday, August 30th, 2010

allaha u naxariis tee abwaan ku waxa uu sheegay waxii jiray xiligaas kaas oo uu ku cadeeyey murti aad u qayma badan

Bashir Xirsi Dahir Hashi   Riyadh Saudi Arabia

7:10am on Wednesday, June 9th, 2010

Naxariitii allaha kawaraabsho Adeer Jaamac Dayuurad,ragna waa kahoreeyey dumarna wax uma ogeyn. Hadaladiisaana maanta dadku ku baraarugeen oo xgtii dumarka ayuu shaaca raga waxma garatadaa uga qaaday in dumarku ay yihiin col loo baahanyahay.

kumandoos   uk

5:49pm on Thursday, April 15th, 2010

jamac dayurad. caadi ma aha hadal waa hadalki hore dadna waa dadki hore// ma anigaa caqli naaqus ka dhigay adi ya ceeynkaa e

nuuro   uk

11:40pm on Thursday, March 18th, 2010

runtii abwaankaan waxa uu na faahnsii yey waxbadan oo manta jira ama dumarku jecelyiihiin kk sida dhal dhalka ama mac macaanka waana run waxa aan dhihi karaa xaaska jaamac dayurad waa sax nayd, asaguna sidoo kale labaduba runta ay ka hadleen, maxaa yeelay hadii aadan haysan hanti naag ma kula joogi karto jaamac xiligas awood ma ahayn alle ha unaxaristo

alshaba   kismaanyo

3:10am on Friday, January 1st, 2010

ninka gobayn tirshay waa nin macquul ah waxa uuna shegay wax yaalo abdan oo manata la arko markii aad dhagaysato gabayada kale waa, qabyaalad iyo wax yaalo kale balse kani waa ka duwan yahay waana mid dumarka maanta jooga tusaale loogu soo qadan lahaa

Nuur c/halac   Kenya g yanza

11:29am on Thursday, November 19th, 2009

Jaamac dayuurad nin aminsan qadarta sida kamuuqata wuxuuna ahaa waxgarad w/mahadsantihiin

KUMANDOOS   UK

2:26pm on Friday, October 30th, 2009

RUNTII JAMAC DAYUURAD WAA INDHEER GARAD GABAYGANA SHEEKO AHAAN AYAAN KU HEEYSTAY LAAKIN AMANTA NASIIB AYAAN U HELAY ASAGOO DHAMEYSTIRIN / MA ANIGAA CAASIMADII MUQDISHO CIIDANKA WADA DAASHAY/

KUMANDOOS   UK

2:24pm on Friday, October 30th, 2009

RUNTII JAMAC DAYUURAD WAA INDHEER GARAD GABAYGANA SHEEKO AHAAN AYAAN KU HEEYSTAY LAAKIN AMANTA NASIIB AYAAN U HELAY ASAGOO DHAMEYSTIRIN / MA ANIGAA CAASIMADII MUQDISHO CIIDANKA WADA DAASHAY/

cabdi   dk

3:55pm on Tuesday, September 29th, 2009

ninkii gabaygan tiriiyay waa uu dhintay raxmadiina allaha siiya

Farax yare   Nairobi Kenya

11:28am on Saturday, June 20th, 2009

Ninka gabaygaan tiriyay ma nool yahaya haddii uuse nool yahay xagee ku nool yahay

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Abwaan Cabdirashiid Cumar Al khaalidi (ina cowsgurow). Waa Abwaan da'yar oo ku dhashay Magaalada Garissa Sanadku markuu ahaa 1980.
  Maansa cusub oo Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ka tiriyey qaadka
  Maahmaahyo Somali iyo ingiriis ah
  DHAQAN-GOOB: WAXA CURISEY CANAB GUULEED MAXAMAD
  Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga