Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayyadii Sh. Cali Cabdiraxmaan Fiqqi Khayrre (Sh.CaliMajeerteen), tiriyey abbaarihii sannadkii 1835tii badhtamihii qarnigii 20aad.
Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega
Allawshahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka
Ninba ururka dhow buu la iman ` eed wuxuu falaye
Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada.
Beyteen mindhaa booligii layska burinmaayo
Banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye
Ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane
Ninna baadil yuu cuni dadow baadi baad tahay.
Tayteen Allaa taajiroon tuna illoobeyne
Tawfiiqda nimuu siiyey baa tegey sariirtiiye
Tawxiidka iyo toobaddaa lagu tacjiilaaye
Tacabka u badsada Aakhiraa loo tukubayaaye.
Sayteen siyaabaha adduun saafi laga waaye
Sifniheeda maqalnoo war baan innagu seegnayne
Sugimaynno saakaba kuwaad sare u qaaddeene
Sabab bay idiin noqon mar ay badan su’aashiiye.
Jiinyeen Jaliiloow adaan lagu jigraareyne
Jinni iyo Insiba maalintuu uunku wada joogo
Jahannamo ninkaad geeysey wuu jimidhwareeraaye
Jidka toosan Eebbow na mari Nebiga jaahiisa.
Xayteen Allaa xaakimoo xukunki juusaaye
Wax Xadiiska laga sheegayaa xaal aan fududayne
Xisaab li’i wax loo geyn Jannada nimuu xoreeyaaye
Bal xusuusta xaashida wax dhigan nin iyo xaalkiisa.
Khayteen wax khaatira Ilaah nimaan ka khoofeyne
Ninkii khayr sameeyaa wax roon loo khatimayaaye
Nin khiyaami yiriyow wallaad u khatalmaysaaye
Khatar haysku ridin jeer danbay kula kharaarnaane.
Deelyeen daliilkii cilmigu waa kan daahiraye
Daarahakan loo baxay mar bay wada dumaayaane
Intaan mawdku soo degin intaan dabaqa lays geynin
Nin walaw naftaada u dedaal Aakhiraa darane.
Daalyeen dariiqada nin galay derejo loo sheegye
Culimmada digriga qaadayee duubay madaxooga
Xajka uma dawaafeen haddaan lays dangelinayne
Doqonniimo yaan loo dhimane daya asaaggiinna.
Siinyeen sidaad aadmi tahay waad silloontahaye
Fircoon baa sallaan dheer dhigtoy seegtay taladiiye
Nin waloo suldaan ihi ka socoy soof wuxuu dhaqaye
Sakadayska bixi yaad ku dhicin solayga Naareede.
Shiinyeen shar baa loo kiciyo shuqul an toosnayne
Sharcigii Ilaah laga tegyoo looma soo shiro e
Aakhiro wexeer sharrax u dhigan waa shiddiyo khoofe
Shayddaan ha raacina ayuu shaal idiin luline.
Saadyeen wax saadiqa ninkii soomay Ramadaane
Sadaqo u ratiba waalidkiin waydin sugayaaye
Ninba saaka wuxuu geystey baa saaddanbaw imane
Salaaddana ha deynina Jannaa la isku siiyaaye.
Dayteen wax doornimo la biday col iyo duullaane
Nin waliba anaa duul batuu dad ugu faanaaye
Wixii dunida joogiyo la waa dawladii sare e
Dabka baxaya yaan laysku ridin deregga hooseeya.
Caynyeen nin caasiyey Ilaah cadhadi waw meel e
Cunsur oo dhan baa lagu ridaa lagu ciqaabaaye
Cilmigiyo Quraankiyo intii caadadii Nebiya
Bal cuskada Allaa caaddiloo inna caqiibayne.
Qaynyeen maxaa laga qoslaa qaylo waa badan e
Maantii Qiyaamuhu dhecee ruuxa laga quusto
Ninba qayb wuxuu falo markii qoorta loo geliyo
Allahayow dartaa nagu quwee Qaaddir waa adiye.
Fayteen anaa faro leh iyo labo fadhdhoo geel ah
Haddii faan waxtaro gaaladaan lagu fidneeyeene
Wax ka fiican Naartiyo ninkii laga fogeeyaaye
Bal fekera wexeer idinku furan hawsha faraheeda.
Qaafyeen qubuurahani waa wada qabiilkiine
Haddaad qooshkan mooddeen inaan layska qabanaynin
Qadka waxaan ku dhaartaa inaan qolona waarayne
Qalbi li’idinaa soo ma arag galabba waa qayre.
Kaafyeen Kariimow adaa noo karaamadaye
Kurbi adag ninkii qabeyba wuu ku cuskanaayaaye
Wixii jiraba waad kaafidaa keli ahaantaaye
Allow naga kalkaal dunidatani waa kabaal jabaye.
Laanyeen lihiin ma lihinoo kuma lulmoodtaane
Lucfadii la soo cunay wallaan loola ledihayne
Nin laxaad lehow haysu filin inaadan laabmeyne
Ninna yuu ladnaan uurka gelin horeba loo waaye.
Miinyeen Macbuudow adaa lagu muraadaaye
Mulkigaaga adigaa leh oon lagugu maagayne
Adigaa masiibada ceshoo noo miciin fala e
Allahayow ku soo magangalnoo kuu martaan nahaye.
Nuunyeen niyaayiro la waa nolol la eegaaye
Intay nabaddu joogtaa arlada lagu nimcaysnaaye
Nabsigeed hadduu galay muggeer gelinba waa nooce
Neeryaa Ilaah soo rogiye yaan niyo xumaysnaane.
Wowyeen werdiga lama maqloo waano laga baydhye
Asaxaabihii kuma warramin waxaydin yeeshaane
Wanaag kuma galaan xoolahaan xaq u wanbaarnayne
Wariisada wexeedii la cunay Weyne ma illaabo.
Hayteen kuwii hodon ahaa haatan waa dane e
Iyaguba waxay hayn jireen wayagaa huraye
Hawo been ah lama raaco iyo hal aan ku haynayne
Waxa haybaddii helay Ilaah nimuu hadeeyaaye.
Yayteen an yaabaye maxaa yaradka loo qaatay
Wixii laga yakhaafoba maxaa loogu yididiishey
Nin yatiin dulmiyey Aakhiraa laga yamxeeraaye
Allahayow yaqiin lama hayee noo yassir amuurta.
Dailypuntland Station
Comments to date: 17. Page 1 of 1.
mahad said/hooto uganda | 3:54am on Saturday, July 10th, 2010 |
waxan jclan lahaa in aan helo taarikhda xaaji cali cabdi raxman oo dhan | |
wardheer somalia | 2:31pm on Tuesday, July 6th, 2010 |
abay Sh. Cali Majeerteen uutirshey dhimashadii Boqor Mohamud Xawaadane Taariikhdu markay ahayd 1815. | |
mowliid bosaso | 2:34am on Sunday, June 6th, 2010 |
allah yarxamahu awoowe sh. ali majeerteen, aad ban ugu mahad naqaya bahda daiy puntland laakin waxan u soo jeedin lahaa in ay taarikhda xaajiga ay raadiyan, intaan in ka badan | |
hamdi usa | 12:29pm on Thursday, April 22nd, 2010 |
alah yarxamu awoowe xaaji cali majeerteen waad ku mahadsantiihin taarikhdi awoowe aad soo bandhigteen waxan ina ka codsanayaa more in la soo bandhigoh iyo waxyalihii uu qaban jirey si looga faaideystoh | |
M.Yusuf The Netherlands | 7:10pm on Tuesday, April 20th, 2010 |
ALLAH YARXAMAHU XAAJI ALI MAJEERTEN-- WAXA UU ADUUNKA UGA TAGAY RAADKIISII OO WALI MUUQANAYA OO AAN WALIBA FILAYO IN UU MUDO DHEER MUUQAN DOONO....WAXAY KU HABOONAAN LAHAYD IN LA ARUURIYO TAARIIKHDIISA SI LOOGA FAAƨIDAYSTO--WAAYO WAXA UU AHAA NIN UMMADA UU KA DHASHAY WAX BADAN KU SIYAADIYEY--BAL EEG SIDA UU DADKIISA DIINTA UGU SAHLAY BARASHADEEDA--ASAGOO EEGAYEY DHAQANKA SOMALIDA IYO IN SUUGAN AHAAN UU U GAARO A TO Z.--WAXAA MUUQDA SIDA UU MACALIM FAHANSAN DADKIISA U AHAA IYO SIDA AY WAX KU FAHMI KARAAN--WAAYO DADKU WAX MA QORI JIRIN---MAQALKANA SUUGAN AYAA IYO FARIIMO AYAA LA ISUGU GUDBIN JIRAY XILIGAAS. MARKA DHANKOODII AYUU U RAACAY SI AY DIINTA U FAHMAAN--ASAGO GABAYGAAN UGU SHEEGAYEY--MEEL DHEERNA MAQAL AHAAN DIINTU U GAARTO IYO IN AY ALLAHOODA CAABUDAAN OO AY CIBAADAYSAAN KANA DHEERADAN DULMIGA. ILLEEN NOLOL ADUUN WAA WAQTI YARE. | |
Nadiira Uk | 4:01pm on Tuesday, April 20th, 2010 |
Masha Allah. May Allah Bless awoowe sheikh Haji ali Abdirahman's soul and grant him Janah. He was a great Sheikh waliba salafi ah. Book french ku qoran iyo mid Somali ku qoran oo sheikh Jamac Cise qoray baan aqriyey. I was suprised by reading these Books. That's why he still remembered to this days as a Somalian legend. Thanks bahda somalireal. | |
Abdirizak USA | 9:35am on Sunday, March 28th, 2010 |
Allay Yarham Awoowe Sh. Ali. Intelligence and creativity were within the bonds of my great grandfather. his legacy is still yet to be completed. I am not surprised if some of those dark skinned richie Omanians are his descents. Its a mystery worth of great deal of research and discovery. especial thanks to the back room staff who selflessly worked on this to be published online. thank you dailyPuntland for ur contribution in this. its our responsibility to collect the legacy of our founding fathers. peace to ya'all | |
Abdirizak USA | 9:27am on Sunday, March 28th, 2010 |
Great finding. | |
sharmarke usa | 6:12pm on Friday, January 8th, 2010 |
eaxama HULLLAAH daa iman awoowe shiikh ali mj | |
Cabdinuur Yanza kenya | 10:49am on Thursday, November 19th, 2009 |
Alla ha unaxariisto awoowe shiikh cali majeerteen waad mahadsantihiin walaayaal waana dadaasheen | |
zahra-suban canada | 9:46am on Wednesday, November 11th, 2009 |
layarxamuhaa sheekha waxaan layaabay maxaa sheekha horay loogu qoriwayay badbacadii somaliya waayo wuxuuba gabyay 1835kii mise inagaan lason walaahi magaran arinkan..bal noo soo qora more..wabilaahi tawfiiq | |
zahra-suban canada | 9:19am on Wednesday, November 11th, 2009 |
layarxamuhaa sheekha waxaan layaabay maxaa sheekha horay loogu qoriwayay badbacadii somaliya waayo wuxuuba gabyay 1835kii mise inagaan lason walaahi magaran arinkan..bal noo soo qora more..wabilaahi tawfiiq | |
Ibrahim mahamad Neirobi | 10:36am on Wednesday, October 28th, 2009 |
Alah yarxamu abwanka ad ayan uga helay gabayga abwanka run ahanti wa gabay xaqiqada ka hadlaya o ah mid u bahan in lagu tusalo qato | |
khayre syria | 5:08pm on Wednesday, August 26th, 2009 |
ilaahay ha u naxariisto awoowe xaaji cali , waxaa la diyaariyey buug cusub oo ka hadlaaya taariikhda xaajiga, marka waxaan codsanaayaa in taariikhda xaajiga aad keentaan si dadku uga faaiideeystaan | |
Mohamed Puntland | 3:33pm on Saturday, June 20th, 2009 |
ALLOW U NAXARIISU SHEEKH ALI MAJEERTEEN. | |
Said Danmark | 10:14am on Friday, June 12th, 2009 |
Allah yarxamahu Awoowe Sh. Cali Majeerteen. Waxaan ka codsanlahaa Bahda daily Puntland gabayada Sheekha waa ay badnaayeen inaad aruurisaan hadaad awoodaan. Waxaad arkeesaa hadaad tagto maanta Oman waa dowlada Sultan qaabuus. masajid khadiim uu dhisay ayaa ku yaalo. Waxaan umaleen durayadiisa in laga helaayo meeesha. | |
Said Danmark | 10:14am on Friday, June 12th, 2009 |
Allah yarxamahu Awoowe Sh. Cali Majeerteen. Waxaan ka codsanlahaa Bahda daily Puntland gabayada Sheekha waa ay badnaayeen inaad aruurisaan hadaad awoodaan. Waxaad arkeesaa hadaad tagto maanta Oman waa dowlada Sultan qaabuus. masajid khadiim uu dhisay ayaa ku yaalo. Waxaan umaleen durayadiisa in laga helaayo meeesha. | |