66 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii SYL marka hore waxaan dhambaalku adan maalintaa u diraynaa dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed sidoo kale waxaa isna fursadaan ka faa'iidaysanaya Gudoomiyaha Ururka Mideynta Qoraayaasha HIBO Qoraa sare Yusu Max'ud Warsame( Bidaaye)oo dhalinyarada soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo waddajir oo la taageero midnimada somaliya (15-05-2009)Maxaad ka taqaanaa maalinta lagu magacaabay 15/may/1943 waa maalinse ceynkee ah, dadkii keenayse maxaad ka taqaanaa?, maalintaa iyo maantase maxay ku kala duwan yihiin.
Marka hore maalinta dhalinyarda soomaaliyeed waa maalin ku weyn shacbiga soomaliyeed marna aan la iloobi doonin wanaagii aay hor kaceen
Maalintaas waxaa aas-aasay dhalinyaro u soo tafo-xaytaday in aay wax u qabtaan shacbiga soomaliyeed gumeeysigana ka saaran, balse hadii aan taariikh ahaan dib u jaleecno sidii aay ku aas-aasmeen Ururkaa waxaa isu yimid dhalinyaro aan isku heyb ama aan isku qabiil ahayn oo gaaraysa 13 dhalinyaro ah oo isku dhaarsaday sidii aay ummada wax ugu qaban lahaaayeen ujeedo iyo hal moowqifna way ka mideeysnayeen.
Waxay markii hore la baxeen magaca ah somali youth club iyagoo ka yara cararayay in la fahmo oo aay kaartadu ka liicdo, magacaas baay waqti kooban wadeen balse markii dambe waxay u xuubsiibdeen magaca ah somali youth league oo lagu soo gaabiyo (S.Y.L),
SYL WAXAA LA AASAASAY
Ururka SYL waxaa la aas-aasay 15/05/1943kii markaa ayayna bilaabeen dar dar culus oo ay isku ballaadhinayeen, iyagoo gobolada dalka meel kasta xubno u diray oo halganka doc ka wadda. nasiib wanaag markaas waxaa jiray dad soomaliyeed oo soomalinimo ka muuqato inadeer iyo hayb aaysan ku jirin dhalinyaradu maaysan haysan gawaari, xaafiis,fun iyo wax walba oo lagu dhaaqajin karay hoowsha culus oo aay u bareereen.
Dhallinyaradaas waxaa si hagar la,aan ah u garab istaagay shacbiga soomaaliyeed oo u oomanaa in doowlad iyo cadaalad la helo, una baahnaa in laga saaro gumeysiga ay ku jireen, waxaana hodheel iyo xaafiis aay ku shiraan u ahayd hooy ama xaafado dad soomaliyeed aay daganaayeen oo markii aay tagaan gobolada soomaliya lagu casumi jiray xaafado.
Dhallinyarada SYL waxay xaafadaha u isticmaali jirtay kamaa hodheel, waxayna heleen tageerada ummada soomaaliyeed oo dhan waxayna noqdeen kuwa lagu daysado waqtiyadii waqtigaa la jaar ahaa si looga danaasulo yaa tahay?waxay ku badaleen oraahda ah (exkaagii kumuu ahaa ) oo ka dhigneeyd in soo hoose la isu dhex galo qabiilkana la qariyo balse aqristoow maanta ma isweeydiisay soomalidaa ma jirtaa? Jawaabtu oo gaaban waa maya, maxaa yeelay maanta waxaa jira soomaali uu lafaha iyo dhuuxa uu ka dhalaaliyay xumaanta iyo qurunka uu wadda qabiilka una moodid in laguala dardaarmay jiil jiil uu gaarsiyo wasaqta uu qabiil la dalaa dhacayo .waxayna guushoodii ugu horeysay soo hoyen 26 juun 1960 oo markii ugu horeeysay xoriyad ka helay gobolada woqooyi gumeeystihii ingiriska waxaa xigay 1 dii luulyo 1960 oo aay gobolada koofured ka qaadeen xoriyada gumeystihii talyaniga iyo midoowkii labada gobol oo aay halkaa ka dhalatay markii ugu horeeysay tariikhda jamhuuriyada somaliya.
Bal haddi aan dib u xassuusano yaa sameeayay calanka soomaaliyeed
Maxamed Cawaale Liiban ayaa ka mid ahaa halgamayaashii gobannimada Somaliya ka soo hooyey gumeysiga,
Waxuuna Caan ku ahaa uuna sameeyey calanka Soomaalida 1954kii, siiyeyna micnaha qotada iyo xeesaha xambaarsan ee calanka Somalidu leeyahay. Kaas oo ah:
1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.
2-Midabka buluugga khafiifka ah : Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.
Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa waxaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa dhalaanka ka dambeeya.
Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen:1.Yaasiin Xaaji Cusmaan
2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin
3.Cusmaan Geddi Raage
4.Maxamad Faarax Hilowle
5.Maxamad Cusmaan
6.Maxamad Xirsi Nuur
7.Daahir Xaaji Cusmaan
8.Xaaji Maxamad Xusseen
9.Cali Xassan Maslax
10.Maxamad Cabdulle Xassan
11.Maxamad Cali Nuur
12.Dheere Xaaji Dheere
13.Khaliif Hudda macalin.
13 -kaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed ,halgankaa mirihiisa waxaa lagu intifaacsaday 1960kii.
SANADGUURO AYAAN DARAN
Maantay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiir iyo tacab beelay aay si hal haleel ah uga baxday ,dalkii Soomaaliyana uu galay marxalad adag oo aay majaraha u hayaan taliyayaal fikir qaldan ku shaqeeya,oo maanta soomaliya sida ay doonaan ka yeela iyagoo ka shanaya dad somali sheeganaya oo horboodaya cadawgaa soo jireenka ah . Soomaaliya oo ku jirtay dhawr iyo toban sano fawdo iyo majarahabow waxayse somalidu ogtahay in dhibaatadaan aay gacmaheeda ku abuuraday rabina uu imtixaanayo.Hasa ahaate Somaliya sida aay u Indho laŽdahay uma Alla-laa
RAJADA MUSTAQBALKA
lagamana quusan in maalin maalmaha kamid ah la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan oo ku dhaqmaysa rabi raali ahaanshiisa kitaabka iyo sunnadana ku dhaqanta , soo celisana midnimadii iyo wadajirkii dadka iyo dalka Soomaaliya una horseeda ummadda xasilooni,cadaalad iyo midnimo
Xorriyadii la Helay waa la quursadaye
Waxaa ku qooqay niman aan ogayn qaabka loo helaye
Qudhooda iyo Maalkaba raggii qiiradaw bixiyey
Waa kaa gidaarada ku quban qalin jabkoodiiye
( Waxaa tiriyey Xaaji Aadan (Afqalloc)
Sidoo kale waxaa dhalinyarada maanta ugu baaqaya dal iyo dibadba in aay tageeraan midnimo sida soomaali loogu heli karo iyo sida caqabada soomaaliya ku xalin lahaayeen
W/D: Qoraa sare c/wali Xasan Xirey (janagale)
Fikradaada ku darso.