DHAQAN-GOOB: WAXA CURISEY CANAB GUULEED MAXAMAD
Bishii May ee sannadkii 2008dii ayey Canab Guuleed u socdaashay tuulada la yidhaa Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan gobolka Oodweyne, dhulkaas oo ah deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna barbaartay. Canab intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay dhaqan guur ku dhacay dadka, duunyada, deegaanka iyo qalabkii reer guuraaga Soomaalidu adeegsan jireen. Haddaba gabaygan Dhaqan-goob oo ay kaga hadlayso arrimahaa murugada leh ayaa maskaxdeeda ka soo maaxday maalmahaa ay socdaalka ku jirtay. Canab Guuleed waxay gabaygan ku soo bandhigtay oo ay kaga qayb gashay bandhiggii dhaqanka, suugaanta iyo carwadii buugaagta ee loogu magac daray MOOGE ee Hargeysa ka socday 22kii-27kii bishii Juulaay 2009ka. Canab Guuleed gabaygan hodanka ah ee Dhaqan-goob waxay fagaarahaa ka tirisay galabnimadii bishu ahayd 24kii Juulay 2009ka, maalintaa oo ahayd xilligii loo qoondeeyey suugaanta haweenka ee bandhiggii MOOGE. Waxay ku bilawday sidan.
Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga
Hordhac Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.
Gabay lagu difaacayo Nabiga, abawaan Abshir Bacadle

Gabaygii: Alifyeen; Sheekh Cali Majeerteen

Gabay:Hami: Raage Ugaas

Gabay:Guda Ammuurtayda; abwaan Qamaan Bulxan

Gabaygii: Jaamac Dayuurad

Gabay:Ammaan-geel; abwaan Cali Cilmi afyare

Gabaygii Koofil

Ragow kibirka waa lagu kufa kaana hala ogaado

Qiimaha Suugaanto leedahay

Af-Soomaaliga iyo warfideyeenka maanta