Maamulka Cusub ee Degmadda Bosaaso oo maanta xilka la wareegay 09 Mar 2010 Xaflad maanta ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee magaaladda Boosaaso ayaa waxaa xilwareejin sameeyey maamulki hore ee degmadda Bosaaso isla markaana xilka ku wareejiyey maamulka cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole.
Dalka Nigeria oo dagaalo u dhaxeeya Muslimka iyo Kiristanka ay ka dhacayaan 09 Mar 2010 Dalka Nigeria ayaa waxaa ka socda iska Hor'imaad xoogaan kaas oo u dhaxeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta wada daga Dalkaasi,dagaalkan ayaa ah mid ka dhacaya Gobolada dhaxe ee ay wada dagaan labada qoowmiyadood ee kala haysta Diinta Islaamka Iyo Tan Kiristanka
Banaan baxyo iska soo horjeeda oo ka dhacay wadanka Ingiriiska. 06 Mar 2010 Laba mudaharaad oo iska soo horjeeda ayaa ka dhacday bannaanka hore ee aqalka baarlamaanka wadanala Ingiriiska, mudaharaadkaan ayaa ka danbeeyey markii uu yimid xubin ka ka mid ah baarlamanka wadanka Holand, kaas oo ka tirsan xisbi xagjir ah.
Mareykanka oo tababaraya ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya 05 Mar 2010 Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Washinton ay dooneyso inay ka qeyb qaataan tababarida loo fidinayo ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya.